Xukuumada Somalia oo amar ka soo saartay xaruntii hore ee Isbitaalka Deva (Sawirro)

Amar kasoo baxay ra’isul wasaaraha Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa xaruntii hore ee Isbitaalka Deva loo aqoonsaday inay noqoto qeyb ka mid xarumaha gurmad deg dega ah ee musiibooyinka.

Xaruntan uu ku howlgali jiray Isbitaalka Deva ayaa horey u aheyd Dugsigii sare ee Banaadir oo hoos tegi jiray Wasaarada waxbarashada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) oo maamulkiisu gacanta ku hayey xaruntan iyo masuuliyiinta Wasaaradaha Waxbarashada iyo Caafimaadka ayaa si buuxda xaruntanj u wareejiyey.

Wasiir ku-xigeenka wasaarada waxbarashada Feysal Cumar Guuleed ayaa ka warbixiyay heerarkii kala duwanaa oo ay xaruntani soo Martay.

Agaasimaha guud ee wasaarada Caafimaadka XFS Dr Cabdullaahi Xaashi ayaa ka hadlay ahmiyada goobtan iyo shaqooyinka culus ee ay bulshada u qaban doonto.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Max’uud Maxamed (Cumar Filish) waxa warbaahinta u sharaxay wax ay xaruntan noqon doonto iyo adeegyadii ay horey u bixin jirtay.

“Goobtan oo ahaan jirtay dugsigii sare ee Benaadir iyo Isbitaalkii hore ee Deva ayaa waxay dowladu uga baahatay iney noqoto mid ka mid ah xarumaheeda ka hortaga masiibooyinka, howshaas ayeyna hadda ka dib qaban doontaa” ayuu yiri gudoomiyaha gobolka banaadir.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -