(Daawo Sawirro) Wararkii ugu dambeeyey qaraxii Muqdisho iyo Khasaaraha ka dhashay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax weyn oo maanta duhurkii ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasoo jugtiisa laga maqlay meelo badan.

Qaraxan ayaa ka dhacay agagaarka dugsiga tababarka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed ee Jenaraal Kaahiye oo ku yaalla degmada Xamar Jajab.

wararka ayaa intaas ku daraya in qaraxu ahaa mid is-miidaamin ah oo uu fuliyey ruux isku soo xiray walxaha qarxa, kaasoo beegsaday maqaahi halkaas ku taalla oo dad badan ay joogeen.

Ugu yaraan 5 ruux ayaa ku geeriyootay qaraxaas, halka 8 kale ay ku dhaawacmeen, sida uu sheegay afhayeenka ciidanka Booliska DF oo shir jaraa’id ku qabtay goobta uu qaraxu ka dhacay.

Qaraxyo noocan ah oo ay fuliyeen rag isku soo xiray waxyaabaha qarxa, dad badana ay ku dhinteen ayaa sanado ka hor sidan oo kale lala beegsaday maqaahidan oo ah inta badan ay  shaah ka cabaan askarta tababarka ku qaata dugsiga tababarka Booliska.

Ma jirto illaa hadda cid sheegatay qaraxan inkastoo weerarada noocan ah looga bartay kooxda Al-shabaab.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -