(Sawirro) Taliyaha ciidanka Lugta & Gudoomiyaha Maxkamada ciidamada oo gaaray Baardheere

Waxaa maanta degmada Baardheere ee gobolka Gedo gaarey saraakiil ka tirsan ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed oo ka baxay magaalada MuqdisHo.

Waxaa hogaaminayey saraakiishan taliyaha ciidamada lugta Xoogga dalka Soomaaliyeed General Cabdi Xamiid Maxamed Dirir, waxaana ka mid ahaa taliyaha qeybta 43aad ee Jubbaland Cali Bogmadow iyo guddoomiyaha maxkamadda sare ee ciidanka qalabka sida Liibaan Cali Yarow.

Saraakiishan ayaa la sheegay iney u kuurgali doonaan xaalada ciidamada Xoogga dalka ee ku sugan degmada Baardheere iyagoo kulamo la qaadan doono bulshada degmadaas gaar ahaan waxgaradka ganacsatada iyo madaxda maamulka.

Waxaa garoonka dayuuradaha Baardheere ku soo dhoweeyey masuuliyiin iyo saraakiil ka tirsan maamulka iyo ciidamada dowlada ee degmadaas ku sugan.

Arintan ayaa ku soo aaday xili dowlada Somalia ay sii xoojineyso awooda ay ku leedahay gobolka Gedo, iyadoo halkaas u dirtay ciidamo fara badan ooka tirsan kuwa xoogga dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -