Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Kulan Saddex geesood ah oo dhexmaraya Madaxda Itoobiya, Somalia iyo Eritrea

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa shaaciyay inuu Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Eritrea kula kulmi doono magaalada Asmara dhowaan.

Abiy Ahmed oo hadalka ku sheegay qoraal uu soo dhigay boggiisa Twitterka ayuu intaas ku daray in isaga iyo hogaamiyeyaashan ay ka wada hadli doonaan arrimo badan.

“Waxaan kula kulmi doonaa Asmara walaalahay, hogaamiyeyaasha Eriteria iyo Somalia, Madaxweyne Isaias Afwerki, Madaxweyne Max’ed C/llaahi iyo anigu waxaan ka wada hadli doonaa arrimo badan”.

Abiy Ahmed ma faahfaahin waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan labada madaxweyne ee Somalia iyo Eritrea balse, sadexda hogaamiye ayaa marar badan oo hore kulamo ku yeeshay magaalooyinka asmara iyo addis ababa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

HOLLAND: Urur Soomaali ah oo kaalinta 2aad ka galay tartan loo qabtay 346 ururo

admin

Qarax goor dhow ka dhacay Muqdisho iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali

Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay 6 nin oo lagu eedeeyey..(Magacyada)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---