Al-Shabaab oo fagaare ku toogatay 6 nin oo lagu eedeeyey..(Magacyada)

Al-Shabaab ayaa galabta ku toogatay fagaare ku yaalla degmada Kuunyo barow ee gobolka Sh/hoose lix nin.

Raggan ayey Al-Shabaab ku eedeysay iney ahaayeen basaasiin u shaqeynayey sirdoonada Mareykanka iyo dowlada Federaalka Soomaaliya.

“Jawaasiistan oo tiradoodu gaareyso illaa 6 ruux ayaa ku eedaysnaa inay maleegaan falal dhagar ah oo lagu dilay dad muslimiin ah iyagoo indho u ahaa sirdoonno maxalli ah iyo kuwa caalami ah intaba” ayaa lagu yiri hadal kooxdu soo saartay oo lagu daabacay baraha internetka ee codkooda ku hadla.

Ragga la toogtay ayaa magacyadooda lagu kala sheegay:-

1-Yaxye C/shakuur Cusmaan (Yaxye Aflow)
2- C/fataax Cali Shiikh Ibraahim (Biibaaye)
3- Axmadey Cabdullaahi Cali (Shanta)
4- Muxsin Cusmaan Maxamad
5- Boorow Tukey Maxamad
6- Daahir Maxamad Salaad

Ma ahan markii ugu horraysay oo xukun noocan ah ay fuliso Al-Shabaab, horey ayeyna kooxdu dilal ugu fulisay rag ay ku eedeeyeen iney jawaasiis u ahaayeen DF iyo sirdoono kale.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -