Allbanaadir.com
NEWS

Malaaq Xasan Gaalle Xuseen oo geeriyooday iyo Madaxweyne ka hadlay geeridiida

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftgareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada Koonfur Galbeed, geerida ku timid, Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Gaalle Xuseen oo kamid ahaa Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku geeriyoodey.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu ku lahaa Marxuumku dhismaha dowladnimada, xasilloonida dalka, dib u heshiisiinta bulshada iyo dhammaan dadaalladii geeddi socodka nabadda ee xal u raadinta dhibaatooyinka dalkeenna ka dhacay.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun. Alle ha u naxariistee Malaaq Xasan Gaalle Xuseen oo ka mid ahaa tiirarka dhaqanka bulshadda Koonfur Galbeed oo caawa ku geeriyooday magaaladda Baydhabo. Malaaqu waxa uu ka mid ahaa tiirarka nabadda iyo dhaqanka ee bulshada Soomaaliyeed. Marxuumku waxa uu qayb ka ahaa dadaalladii dowlad dhiska iyo nabadaynta Dalkeenna.”

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Related posts

Madaxweyne Deni oo kusii jeeda Boosaaso kuna dhawaaqaya Dagaal ka dhan ah..

Cabdi Cade

Soomaaliya oo 9 Xildhibaan iyo Hal Wasiir ku darsaneysa daladda dhaqaalaha ee bulshada EAC

Cabdi Cade

Siyaasiyiinta Mucaaradka oo qaadaya talaabooyinka lid ku ah Farmaajo

Caydiid Ali
Taboola Ads ---