Gudoomiyaha Golaha shacabka iyo David Concar oo kawada hadlay arimo muhiim ah (Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha dowlada Britain u fadhiya Soomaaliya David Concar.

Gudoomiye Mursal iyo Danjiraha Britain ayaa kawada hadlay arimo dhoor ah ay kamid ahaayeen xoojinta xariirka labada wadan iyo sidii dowlada Britian usii kordhin laheyn taageerada ay ku bixiso dowladnimada Soomaaliya.

Kulanka dhax maray Gudoomiyaha golaha Shacabka iyo David Concar ayaa sidoo kale looga hadlay doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed ee la filayo in magaalada Baydhabo ka dhacdo 19-ka bihan.

Dowlada Britain ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera dowlada Soomaaliya, waxaana dalka Britain marar badan ka dhacay shirar looga hadlayay arimaha Soomaaliya iyo kuwa deeqo loogu aruurinayay dowlada Federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -