Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Guddoomiye Gacal oo kulan xasaasi ah la qaatay Saraakiil ka tirsan AMISOM (Sawirro)

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa Magaalada Dhuusamareeb kulan kulmay Sarakiil ka tirsan Ciidamada AMSIOM oo halkaas gaaray maanta.

Guddoomiye Gacal ayaa Saraakiisha AMISOM uga warbixiyey halka ay mareyso howlaha doorashada madaxweynaha Galmudug iyo khilaafka cusub ee soo kala dhex galay Dowladda Federaalka iyo Ahlu Sunna.

Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa looga hadlay qodobo ay ka mid yihiin Doorashada Galmudug iyo xoojinta amaanka Magaalada Dhuusamareeb.

Waxaa kulankan la iskula meel dhigay in si wadajir ah looga qeyb qaato sugidda Amniga Magaalada Dhuusamareeb xilliga ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Galmudug oo dhowaan la filayo iney qabsoonto.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Aadan Madoobe oo la kulmay Xoghayaha Hay’adda ka Hortaga Tijaabada Nuclearka (Sawirro)

Caydiid Ali

Ku-simaha Madaxweynaha oo guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga dalka (Sawirro)

Cabdi Cade

Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo muhiim kala hadlay Magatte Guisse (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---