Allbanaadir.com
NEWS

Sheekh Aadan Madoobe oo Arrimo muhiim kala hadlay Magatte Guisse (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa hay’adda qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR Soomaaliya Mudane Magatte Guisse.

Kulanka ayaa looga hadlay arimaha qaxootiga Soomaliya ee dibadda ku nool sidii looga caawin lahaa in dalkooda kuso laabtaan iyo barakacyaasha jooga dalka gudahiisa sidii deegaan iyo shaqo abuur loogu sameyn lahaa.

Waxa ayna labada dhinac isla soo qaadeen in muhiim tahay in qaxootiga Soomaaliyeed ee dalka lagu soo celinayo iyo kuwa jooga in loo sameeyo dib u dejin iyo sidoo kale shaqo abuur ay noloshooda ku maareeyaan.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa u sheegay madaxa UNHCR in qaxooti badan oo Soomaaliyeed oo kunool dalka gudihiisa iyo dibadiisa qabaan dhibaatooyin badan, waxa uuna ugu baaqay ha’yadda UNHCR in wax ka qabata dhibaatada heesata qaxootiga Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ra’isul Wasaare Khayre oo Booqday Qaxooti Soomaliyeed oo ku nool Jabuuti (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Dowlado Carbeed oo ka carooday go’aan uu ansixiyey Baarlamanka dalka Turkiga

Caydiid Ali

Diidiinka Dunidda ugu weyn xilligan iyo Da’da uu jiro !

Cabdi Cade
Taboola Ads ---