Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dad u badan Macalimiin iyo arday Soomaali ah oo lagu xixiray Nairobi

Ciidamada ammaanka Dowladda Kenya ayaa hawlgallo ay ka sameeyeen xaafadda Islii ee magaalada Nairobi waxay ku xirxireen ilaa 43 qof oo Soomaali ah kuwaasoo hadda ku jira xabsiga magaalada Nairobi.

Dadkan la xirxiray ayaa la sheegay inay u badan yihiin macallimiin iyo arday Soomaali ah kuwaasoo ciidamada boolisku aysan wall cadeynin dambiga loo soo qabtay.

Ciidamada Kenya ayaa dhowaanahan Nairobi ka waday howl-gallo ka dhan ah dadka looga shakisan yahay argagixisanimada.

Hase yeeshee guddiga amniga Islii ayaa sheegay inay rumeysan yihiin in ardaydan loo beegsaday sababo la xiriira inay si sharci-darro ah ku joogeen.

Maalmo ka hor ayey aheyd markii Booliska Kenya ay magaalada Nairobi ku qabteen shan xubnood oo u badan Soomaali heysata baasabooro ajnabi ah kuwaasoo looga shakiyey iney wadeen falal argagaxisenimo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Golaha ammaanka ee QM oo xubno ka tirsan Al-Shabaab ku daray liiska argagixisada

Caydiid Ali

Heyadda UNHCR oo fulisay codsi kaga yimid 125 Qaxooti Soomaali ah

Caydiid Ali

Warar cusub oo ka soo kordhay dagaalka Sudan iyo qax ka socda Khartuum (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---