Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Maxay ka wada hadleen Gudoomiye Mursal & Wakiilada Beesha caalamka (Sawirro)

Gudoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa maanta Magaalada muqdisho kula kulmay Wakiilo ka socda UN-ka, AMISOM iyo Ambassadorada Copenhagen Group.

Kulanka ayaa labada dhinac waxaa ay uga wada hadleen Doorashada la filayo in ay ka dhacdo Dalka Soomaaliya 2020 -2021 iyo xoojinta wadashaqeynta labada dhinac ee la iriira arrimaha doorashooyinka.

Guddoomiyaha Golaha Shaabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxamaan ayaa madaxdii uu la kulmay ka codsadey inay dowladda Soomaaliya kala Shaqeeyaan sidii u qabsoomi laheyd doorashada dalka

Madaxda ka socotay Qaramada Midoobey iyo AMISOM ayaa sheegay in ay Soomaaliya ka caawin doonaan sidii ay doorasho uga dhici laheyd dalka, ayna diyaar u yihiin iney arrimahaas kala shaqeeyaan DF.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com 

Related posts

Ciidamada Kenya oo nolosha ku qabtay nin jaceylkiisa kusoo dilay dalka Mareykanka

Cabdi Cade

Jen. Bariise oo ka hadlay askar ka tirsan Booliska oo dilal ka geystay Muqdisho

Caydiid Ali

Qaybtii 2aad :- Xusuustayda Waxqbadkii Xassan Cali Khayre intii aan Joogay Xafiiskiisa

admin
Taboola Ads ---