Ku-simaha Madaxweynaha oo guddoomiyay shir looga hadlayay Amniga dalka (Sawirro)

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa shir gudoomiyey kulan looga hadlaayey Amniga guud ee dalka iyo u diyaar garowga maalmaha xuriyada.

Kulanka oo diirada lagu saaray xaalada Amniga dalka gaar ahaan ka shaqeynta maalmaha xuriyadda iyo sidii ay ugu qabsoomi lahaayeen si nabad ah, kulanka oo ay goobjoog ka ahaayeen saraakiisha Amniga qeybahooda kala duwan.

ku-simaha madaxweynaha dalka ahna Guddomiyaha Golaha Shacabka ayaa laamaha Amaanka faray inay muujiyaan feejig naan dheeraad ah inta lagu guda jiro maalmaha xurriyadda ee nagu soo food leh.

Muqdisho ayaa lagu wadaa in munaasabado waa weyn oo lagu xusayo maalmaha xuriyadda ee 26-ka Juun iyo 1-da Luulyo ka dhacaan, waxaana laamaha ammaanka la faray in ay adkeeyaan ammaanka goobaha ay munaasabadaha ka dhacayaan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -