Ciidamada uu hogaamiyo Jen. Khaliifa Haftar oo hanjabaad yaab leh soo saaray

Ciidamada daacadda u ah Jenaraalka awoodda leh ee ka dagaalamaya dalka Liibiya Khaliifa Xaftar waxay sheegeen inay bartilmaameedsan doonaan diyaaradaha rakaabka iyo kuwo dagaalka ee adeegsado garoonka diyaaradaha ee caalamiga ah ee ku yaal caasimadda Tripoli.

Afhayeen u hadlay kooxdan ayaa sheegay in go’aanka uu yahay mid kama dambeys ah oo ay digniin ugu diyaaraan diyaaradaha.

Mar sii horreysay waxaa madaafiic lala beegsaday garoonka diyaaradaha ee Milateriga taaso horseeday in la xiro.

Ciidammada uu hogaamiyo janaraal Khaliifa Haftar ayaa ku eedeeyay in Turkiga uu garoonkaas ka dhigan karo saldhig uu duullaan uga soo qaado ciidammadooda.

Turkiga ayaa taageero militari siiya dowladda Libya ee u fadhigeedu yahay Tripoli.

Janaraal Khaliifa Haftar ayaa bilooyinkii lasoo dhaafay waday dagaal uu doonayo inuu ku qabsado caasimadda oo ay gacanta ku heyso dowlada Liibiya ee caalamku aqoonsan yahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -