Warbixin ceebeysay Ciidanka Kenya: Intii uu socday weerarkii Manda bay waxay ku dhuunteen Cowska

Wargeyska the New York Times ee kasoo dalka Mareykanka oo soo xiganaya saraakiil milateri oo Mareykan ah ayaa wax ka qoray weerarkii toddobaadyo kahor ururka Al Shabaab ay ku qaadeen saldhig ay ciidamada Mareykanka ku leeyihiin deegaanka Manda Bay ee gobolka xeebta ee dalka Kenya.

New York times ayaa kusoo warramay in saraakiisha ciidamada Mareykanka ay aad uga niyad jabeen ciidanka Kenya, kadib weerarkii Manda Bay.

Wargeyska oo aan sheegin magacyada saraakiisha uu soo xigtay ayaa sheegay in markii ay Al Shabaab soo weerareen saldhigga ay ciidanka Mareykanka ee sida gaarka ah u tababaran muddo ku qaadatay in ay ka jawaabaan weerarka, maadaama ciidanka Kenya ee loogu talagalay in ay ilaaliyaan saldhigga ay ku dhuunteen cawska markii uu weerarka bilawday.

Askarta Mareykanka iyo shaqaalihii kale ee ku sugnaa saldhigga oo xilliga uu weerarka dhacayay la sheegay in aysan ku baraarugsaneyn ayaa markii la weerarary saldhigga, wuxuu wargeyska sheegay in ay ku dhuunteen teendho xerada ku dhisneyd, waxaana ciidanka Mareykanka ay ku qaadatay saacado, si loo samata bixiyo dadka dhaawacmay, kuwaas oo markii dambe la geeyay saldhigga ciidanka Mareykanka ee dalka Jabuuti.

“Weerarka wuxuu tusinaya in habacsanaan dhanka ammaanka oo aad u daran ay jirto marka la eego saldhigga halka uu ku yaala oo ah xuduudda Soomaaliya,” ayuu yiri Murithi Mutiga, oo katirsan hey’adda xasaradaha caalamka ee ICG.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -