Madaxda 3 Maamul goboleed oo ku wada sugan Nairobi & kulamo Siyaasadeed oo..

Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa shalay wada gaaray Madaxda saddex ka mid ah dowlad goboleedyada ka jira dalka, kuwaasoo iskugu jira kuwo mucaarad ku ah DF iyo qaar jaal la ah.

Wararkeenii xalay waxaa ku jirtay in magaalada nairobi uu safar aan la sii shaacin uu ku tagay madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni, hase ahaatee warar goor dambe soo baxay ayaa sheegaya in sidoo kale ay shalay magaaladaas gaareen Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Jubbaland C/casiis laftagareen iyo Axmed Madoobe.

Safar hogaamiyeyaashan ayaa la sheegay inuu isku soo beegmay, iyadoo wararku sheegayaan in Axmed Madoobe Iyo Saciid Deni ay ku balansanayeen Nairobi si ay kulamo ula qaataan wakiilada beesha caalamka, halka Madaxweyne Laftagareen uu arrimo maamulkiisa u gaar ah u tagay halkaas.

Deni ayaa kulan kula qaatay xalay Nairobi xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Somalia inkastoo aan faahfaahin laga bixin waxyaabaha uu kala hadlay.
Safarka Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ayaa ku soo aaday maalmo kaddib markii uu shir ugu soo dhamaaday magaalada Boosaaso, kana soo saareen war murtiyeed ka dhan ah DF.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in labada hogaamiye ay ku balameen Nairobi iyagoo wata qorshe ay doonayaan iney beesha caalamka kaga dhaadhiciyaan sidii deeqaha loogu talo galay maamuladooda toos loo siin lahaa, iyagoo diidan in loo soo mariyo dowlada federaalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -