Madaxtooyada oo War kasoo saartay Is Casilaada Gen. Guulwade iyo Wareysigii uu bixiyay

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa si adag uga hadashay Wareysi uu bixiyay Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) oo kamid ahaa guddiga Qaran ee Dhab u heshiisiinta Dowlada Soomaaliya iyo maamulka Somaliland.

War kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Danjire Guulwade laga aqbalay is casilaadiisa, waxa ayna Madaxtooyada wax laga xumaado ku tilmaantay hadalka Danjiraha ay sheegtay in uusan ka turjumeyn mowqifka dowlada Federaalka.

Guulwade ayaa Wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu sax ahaa duulaankii dowladdii Kacaanka ku qaaday Gobolada Waqooyi ee Somaliland, waxa uuna tilmaamay in duulaankaas loo qaaday si loo difaaco midnimada iyo qarannimada dalka.

Halkan ka Akhriso Qoraal kasoo baxay Villa Soomaaliya

Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay caddeynaysaa in Danjire Cabdiraxmaan Cabdi Xuseen (Guulwade) uu iska casilay xubinnimadii Guddiga Qaran ee Dhab-u-heshiisiinta iyo Wadahadallada Dowladda Federaalka iyo Soomaaliland.

Hadalka uu warbaahinta siiyay Danjire Guulwade waa mid kafog waaqaca aan maanta ku nool nahay, wuxuuna dhaawacayaa wadahadallada haatan loo gogol xaarayo in la isugu soo dhaweeyo dadka Soomaaliyeed ee kala irdhoobay, dibna loogu yagleelayo dowladnimo Soomaaliyeed oo loo dhanyahay.

Shacabka Somaliland waxay dhiig iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii dalkan looga xoreyn lahaa gumeystihii kusoo duulay, iyagaana hormuud u ahaa midnimadii labada gobol. Midnimadaas kuma iman khasab iyo gacan ka hadal ee waxay ku timid wada hadal, is qancin, is-qaadasho iyo isu tanaasul.

Waxaan aad uga xunnahay hadalka danjiraha, annaga oo adkeynayna inuu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka turjumeynin mowqifka Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kan Guddiga uu ka tirsanaa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -