Dhismaha Tayaatarka Qaranka oo heer gabo gabo ah maraya (Daawo Sawirada)

Waxaa hada heer gabo gabo ah maraya dhismaha Tiyaatarka Qaranka oo lagu sameenayay dib u dhis balaaran, waxaana tayaatarka lagu dhisay barnaamika la magac baxay Is Xilqaan oo Hay’ado kala duwan ka qeyb qaateen.

Wasiirka maaliyadda Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa saakay kor meer ku tagay dhismaha tayaatarka Qaranka si uu usoo qiimeeyo halka ay mareyso dib u dhiska tiyaatarka.

Waxa uu sheegay Wasiirka in hada heer gabo gabo ah marayso dhismaha tayaatarka, waxa uuna tilmaamay in uu guuleestay barnaamijka Is-xilqaan ee lagu dhisayo tayaatarka Qaranka iyo xarumo kale oo muhiim ah.

Waxaan saakay kormeer ku tagay dhismaha Tiyaatarka Qaranka oo hada howshiisu ay gabo gabo tahay, waxaan dhamaanteen is la qireynaa in uu guuleystay Barnaamijka ISXILQAAN oo ah mid dalka dib loogu dhisayo, iyadoo xarumo kale oo Dowladnimada muhiim u ah ay dhawaan soo idlaanaya dib-u-dhiskooda.” Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Tayaatarka Qaranka ayaa la filayaa in bilaha soo aadan si rasmi ah xariga looga jaro dib u dhiska lagu sameeyay, waxaana soo dhaweeyay dib u dhiska tayaatarka Fanaaniin, abwaano iyo qaar kamid ah bulshada Soomaaliyeed.

afiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -