Guddiga Doorashada Galmudug oo Gudoomiye Doortay iyo Ahlu Sunna oo kahor timid (Sawirro)

Waxaa maanta magaalada Dhuusomareeb ee caasimada maamulka Galmuug kulan ku yeeshay Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxieenkiisa, waxa ayna guddiga iska dhax doorteen Gudomiye iyo kuxigeen.

Kulanka ay yeesheen Guddiga qaba qaabada doorashada Madaxweynaha Galmudug iyo kuxigeenkiisa waxaa goob joog ka ahaa Gudoonka cusub ee Baarlamaanka Galmudug, waxaana guddiga si dimuquraadi ah isaga dhax doorteen gudoon hogaamiya.

Guddiga ayaa sidoo kale ka shiray sidii loo dar dar galin lahaa arimaha doorashada Madaxweynaha iyo kuxigeenkiisa, waxaana la filayaa in guddiga wadatashi kadib in ay soo saaraan habraaca doorashada.

Gudoomiyaha Guddiga doorashada Madaxweynaha Galmudug ayaa loo doortay Xildhibaan Maxamed Xuseen Tahliil (Caool Geel) halka Gudoomiye kuxigeen loo doortay xildhibaan Cabdiraxiin Axmed Cigaal.

Dhinaca kale Xildhibaanada Ahlu Sunna ugu jiray guddiga doorashada ayaa kahor yimid hogaanka ay guddia iska dhax doorteen, waxa ayna sheegeen in iyagu xaq u lahaayeen in Gudoomiye ka noqdaan guddiga doorashada.

Khilaafka ka dhax dhashay guddiga dhaxdiisa ayaa laga cabsi qabaa in dib u dhac u keeno Doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug iyo kuxigenkiisa oo si weyn loo wada sugayo, waxaana fashilmay dadaalo xal looa gaarayya khilaafka guddiga ka dhax jiray.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -