Qeybtii ugu horeysey xujeyda sanadkan oo maanta dalka ka ambabaxay (Sawirro)

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS    Sh. Mukhtaar Robow Cali ayaa maanta qeybtii ugu horeysey xujeyda Soomaaliyeed ka  sagootiyey garoonka  caalamiga  Aadan Cadde ee  magaalada Muqdisho,.

Munaasabada sagootinta xujeyda waxaa kale oo  ka qeyb galay Wasiirka caafimaadka Dr. Cali Xaaji,  Agaasimaha guud ee  Wasaaradda Awqaafta, Maxamed Xaaji Ibraahim,  Agaasimaha waaxda xajka iyo cumrada  Eng. Xamdi Cabdiraxmaan Ismaaciil  Gudoomiyaha xamlooyinka  shirkadaha adeega xajka sanadkan Cali Faarax  iyo wakiilada Shirkadda diyaaradaha ee Daalo Airlines ee daabuleysa xujeyda Soomaaliyeed.

Tirada xujeyda maanta ka dhooftey magaalada Muqdisho ayaa ah 422 xaaji, halka magaalada Hargeysana  ay ka duuleen 165 xaaji,  taasoo tirada guud ee xujeyda maanta u ambabaxdey Dalka Sacuudi Carabiya ay noqoneysi 587 Xaaji.

Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta JFS Sh. Mukhtaar Robow Cali ayaa sheegay in Xujayda sanadkan ay heli doonaan adeegyo ka wanaagsan, kana jaban kuwii sanadihii hore, isagoo u rajeeyey iney si wanaagsan u soo gutaan waajibaadka Xajka oo ka mid ah shanta tiir ee Islaamka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -