Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Kooxo hubeysan oo dil ka geystay degmada Afgooye iyo faahfaahino ka soo baxaya

Nin dhalinyaro ah oo ka tirsanaa shacabka degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose ayaa maanta lagu dilay gudaha degmadaas.

Sida wararku sheegayaan Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Cabdisalaan Maxamed Macalin ayaa lagu toogtay bartamaha degmada Afgooye ka dib markii ay rasaas ku fureen dabley ku hubeysan bastoolado.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in wiilka la dilay uu dhalay Ugaas Maxamed Macalin oo ka tirsan odayaasha dhaqanka gobolka Sh/hoose.

Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, waxayna ka wadaan baaritaano ay ku baadi goobayaan kooxihii dilka geystay oo baxsaday.

Inkastoo aan la ogeyn sababta loo dilay marxuumka haddana wararka qaarkood ayaa sheegaya inuu la shaqeynayay muddooyinkii dambe Maamulka Degmada Afgooye.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

(Daawo Sawirro) RW Khayre oo kormeeray Xarumo dowladeed, lana damaashaaday shacab ku sugnaa Xeebta Liido

Caydiid Ali

Nin aargudasho xubinta taranka uga jaray Wiil Soomaaliyeed oo gacanta lagu dhigay

Cabdi Cade

Wasiirada Arimaha Bulshada Jaamacada Carabta kulan deg deg ahaa yeeshay (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---