(Sawirro) Ciidan ka soo goostay Puntland oo lagu soo bandhigay Laas-caanood

Maamulka Somaliland ayaa maanta magaalada Laacsaanood ee xarunta gobolka Sool ku soo bandhigay ciidamo la sheegay inay ka soo goosteen maamulka ay ood-wadaagta yihiin ee Puntland.

Ciidankan soo goostay ayey tiradooda Somaliland ku sheegtay illaa 30 askari oo uu ku jiro taliyihii hoggaaminayey.

Masuuliyiinta Somaliland ayaa sheegay in ciidankan soo goostay ay ka mid ahaayeen ciidamada Puntland ee ka howlgala degaanka Boocame oo ka tirsan isla gobolka Sool, iyagoo xusay in wixii hadda ka dambeeya ay ka mid yihiin ciidanka Somaliland.

Taliyaha ciidamada ka soo goostay maamulka Puntland ayaa ka waramay sababaha ay go’aankan u qaateen oo uu sheegay iney yihiin dhibaatooyin iyo faquuq ay kala kulmeen maamulka Puntland isagoo u mahad celiyay maamulka Somaliland ee ku soo dhoweeyey Laascaanood.

Puntland kama hadlin arrintan balse labada maamul ayaa waxaa ka dhexeeya loolan iyo muran la xiriira gobolka Sool iyo qeybo ka mid ah Sanaag oo maamul walba uu goonidiisa u sheeganayo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -