(Daawo Sawirro) RW Khayre oo kormeeray Xarumo dowladeed, lana damaashaaday shacab ku sugnaa Xeebta Liido

Raisul Wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer shaqo ku tegay  qaar ka mid ah Xarumaha dowlada ee Magaalada Muqdisho, isagoo dhinaca kale galabta la damaashaaday dadweyne ku sugnaa Xeebta Liido.

Mudane Xasan Cali Khayre ayaa meelaha uu booqday waxaa ka mid ah xarunta Wasaaradda arrimaha dibeda Somalia, waxaana halkaas ku soo dhoweeyey Wasiirka Wasaaradaas iyo qaar ka mid ah howlwadeenada ka howlgala xarunteeda.

Wasiirka arrimaha dibeda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa Raisul wasaare Khayre warbixin ka siiyey Waxqabadkiisii mudada kooban ee uu xilka hayo iyo sida ay u socdaan howlaha Wasaaradda, wuxuuna xusay inuu ku faraxsan yahay booqashada uu xarunta Wasaarada ku yimid  Raisul Wasaaraha.

Dhankiisa Raisul wasaare Khayre ayaa ku amaanay Masuuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaarada arrimaha dibeda sida hufan ee ay Waajibaadkooda u gudanayaan isagoo kula dardaarmay iney sii xoojiyaan dedaalkooda.

Xarunta Wasaarada Maaliyada Xukuumada Soomaaliya ayaa ka mid ah Xarumaha uu booqday Raisul Wasaare Khayre, waxaana halkaas si diiran ugu soo dhoweeyey Masuuliyiinta Wasaaradda isagoo kormeeray qeybaha ay kooban tahay,  wuxuuna u kuur galay sida ay socdaan howlaha Wasaaradan oo ka mid ah kuwa ugu muhiimsan ee udub dhexaadka u ah dowlada Soomaaliya.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaare Khayre iyo masuuliyiinta la socotay ayaa galabta booqday Hotel Dolphin oo ah hotel casri ah oo dhowaan laga dhisay Xeebta Liido ee Magaalada Muqdisho isagoo Caffe la cabay, lana sheekeystay qaar ka mid ah dadkii ku sugnaa hotelka oo si weyn u xiiseynayey la kulankiisa kuna faraxsaanaa.

Mudane Khayre ayaa intii uu ku sugnaa Liido waxaa sidoo kale uu la damaashaaday dhalinyaro kubad ku ciyaareysay Xeebta, isagoo ka wareystay xaalada amniga Magaalada iyo waxyaabaha ay jeclaan lahaayeen in dowladu ay deg deg wax uga qabato, waxaana dhalinyaradii halkaas ku sugeyd ay si weyn ugu farxeen booqashada uu ugu yimid raisul wasaaraha iyo xog-wareysiga uu la yeeshay.

Kormeerka joogtada ah iyo booqashada raisul Wasaaraha xukuumada Somalia ku sameeyo xarumaha heyadaha dowlada iyo goobaha bulshada ayaa muujineysa sida Xukuumadu uga go’an tahay dardar gelinta gelinta howlaha dowlada iyo dareensiinta bulshada in madaxdoodu yihiin kuwo yihiin kuwo aan ka fogeyn oo had iyo jeer ka warqaba xaaladaha ay ku sugan yihiin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -