Heshiis lagu dhisayo qaar kamid ah Magaalooyinka dalka oo lakala saxiixday (Daawo Sawirada)

Wasiirka Maaliyadda XFS, wasiirka howlaha guud XFS iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir  ayaa si wadajir ah u wada saxiixay heshiis ku kacaayo 112 Milyan oo lagu dhisidoono qaar kamid ah magaalooyinka dalka.

Heshiiska ay mausuliyiinta wada saxiixdeen ayaa magaalooyinka lagu dhisidoono waxa kamid ah Muqdisho, Kismaayo, Baydhabo iyo Garoowe iyadoo qeybta magaalada Muqdisho uga soo aaday ay tahay ku dhawaad 28-Milyan.

Wasiirka wasaarada Maaliyadda ee XFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo warbaahinta la hadlay ayaa sharxay heshiiskan iyo qaabka dhismo ee magaalooyinka dalka laga hirgalin doono.

Waxa uu sheegay Wasiirka in lacagtan magaalooyinka qaar lagu dhusi doono laguna fulin doono mashaariico horumarineed, waxa uuna tilmaamay in magaalo walbo lacag gaar ah looga qoondeeyay.

Wasiirka howlaha guud ee XFS mudane Cabdi Aadan Hoosoow waxa uu tilmaamay in dowlada federaalka Soomaaliya ay gudaha dalka kawado mashaariic kala duwan oo lagu horumarinaayo dib udhiska dalka.

Inta badan lacagaha loogu tala galay dib u dhiska dalka iyo in lagu fuliyo mashaariico horumarineed ayaan u fulin sidii la rabay, waxaana lacagahaasi badanaa lagu bixiyaa waxyaabo aan wax tar badan laheyn kana qeyb qaadaneyn dib u dhiska iyo bilicda magaalooyinka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -