Ninkii Dunida ugu gaabnaa oo Geeriyooday !! (Daawo Sawirro)

Isbitaal kuyaala dalka Nepal waxaa ku geeriyooday Khagendra Thapa Magar oo horey loogu aqoonsaday in uu yahay ninka ugu gaaban dunida, waxaana ninkan geeriyooday isaga oo jira da’da 27-sano.

Buuga lagu qoro dhacdooyinka ee loo yaqaan Guinness World Records ,ayaa ninkan u diiwaan galisay in uu yahay kan ugu gaaban dunida, waxaana ninkanc abiirka dhererkiisa lagu sheegay 67.08cm (2ft 2.41in).

Nin la dhashay ninka dunida ugu gaabnaa ayaa Warbaahinta u xaqiijiyay in walaalkiisa ku geeriyooday isbitaal  lagu daweenayay , waxa uuna tilmaamay in uu u geeriyooday xanuun mudooyinkii dambe hayay.

Khagendra Thapa Magar ayaa sanadkii 2010-kii oo uu 18 jir ahaa loo aqoonsaday ninka ugu gaaban dunida, kaddib xaflad dhalashadiisa loo dhigay oo ay ka qeyb galeen dadka deegaanka iyo wufuud kale oo caalami ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -