Akhriso Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug

Waxaa maanta Gudoomiyaha Baarlamaanka labaad ee maamulka Galmudug loo doortay Dr Maxamed Nuur Gacal oo ah aqoonyahan khibrad badan leh kuna soo dhax jiray saaxada Siyaasada Soomaaliya sanado badan.

Halkan ka Akhriso taariikh nololeedka Gudoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Galmudug 

Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa sanadkii 1966, ku dhashay Degmada Ceel-dheer ee Gobalka Galgaduud.

– 1987, Ayuu ka baxay Dugsiga Sare, Muqdisho.
– 1988, Ayuu qaatay Dibloomaha heerka dhexe, Machadkii Maamulka iyo Maareynta Jaamacadda Carabta ee Muqdisho.
– 1995, Ayuu Shahaadada koowaad ee Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umdurman Al-islaamiya ee Dalka Sudan.
– 1999, Ayuu ka qaatay Diblooma sare, Machadka Maaraynta Musiibooyinka iyo Qaxootiga ee Jaamacadda Caalamiga Afirika.
– 2000, Ayuu Diblooma Sare ee Qaanuunka Guud ka qaatay Jaamacadda Al-Niileyn ee Dalka Sudan.
– 2001, Ayuu Shahaadada Labaad ee Masterka, Maareynta Musiibooyinka iyo Qaxootiga ka qaatay Jaamacadda Caalamiga Afrika ee Dalka Sudan.
– 2008, Ayuu Shahaadada 3 aad ee PhD Sharciga ka qaatay Jaamacadda Umdurman Al-Islaamiya ee Dalka Sudan.

DHANKA SHAQADA & KHIBRADA:-

-2002 – 2008, Waxa uu ahaa: Maamulaha Xarunta Adeega Bulshada iyo Waxbarashada Joogtada ah ee Jaamacadda Muqdisho.

-2002 – 2008, Waxaa uu ahaa: Bare Sare ee Qaanuunka Dawliga iyo Dastuurka ee Kulliyadda Sharciga Jaamacadda Muqdisho.

2004 – 2006, Waxa uu ahaa; Maamulaha Barnaamijka Waxbarashada Sare ee Jaamacadda Umdurmaan Al-Islaamiyo iyo Jaamacadda Muqdisho.

– 2003 -2009, Waxa uu ahaa: Gudoomiye ku xigeenka Dhaqaaqa Bulshada Rayidka ee Ururada Bulshada.

– 2009 – 2011, Waxa uu ahaa: Hormuudka Kulliyadda Sharciga ee Jaamacadda Benadir.

– 2011 – 2012, Waxa uu ahaa: Maamule ku xigeenka Xafiiska Xiriiriyaha Hawlaha Bani’aadam-nimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka OIC, Somaaliya.

ARRIMAHA SIYAASADDA:-

– 2013 – 2014, Wasiiru Dowlaha Arrimaha Dibadda & Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.
– 2014 – 2016, La taliye Sare Arrimaha Siyaasadda, Xafiiska R/Wasaaraha.
– 2019, Xubin Guddiga Dib-u heshiisiinta Dowlad-Goboleedka Galmudug.
-17-1-2020 waxaa loo doortay gudoomiyaha baarlamaanka 2aad ee Galmudug

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -