Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Taliyihii Ciidamada isku-dhafka ah ee Gaalkacyo oo caawa la toogtay

Kooxo Bastoolado ku hubeysan ayaa caawa magaalada Gaalkacyo ku weeraray Taliyihii howlgaladda Ciidamada isku-dhafka ee Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug Col. Khaliif Nuur Shiil.

Taliyaha ayaa waxaa rasaas ku furtay koox dabley ah oo ku sugeysay Masjid uu ka soo baxay agtiisa, waxaana soo gaaray dhaawac, sida ay sheegeen saraakiisha amaanka ee magaalada Gaalkacyo.

Waxaa dhaawiciisa loola cararay isbitaalka weyn ee magaalada oo lagula tacaalayo.

Laba dhalinyaro ah oo falkan geystay ayaa baxsaday, waxaana ciidamada amniga magaalada Gaalkacyo ay howlgal ka sameeyeen agagaarka goobta uu falku ka dhacay.

Col. Khaliif Nuur Shiil ayaa si weyn loogu xasuustaa kaalintii uu ka qaatay xasilinta magaalada Gaalkacyo, waxaana Ciidamada isku dhafkaa ee uu hoggaaminayay laga kala keenay maamulada Galmudug iyo Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Jubbaland oo maamul cusub u magacowday degmo ka tirsan Gedo (Akhriso)

Caydiid Ali

Dowlada oo ka hadashay Duqeyn lagu dilay Xubno katirsan Al Shabaab

Cabdi Cade

Dowlada Somalia oo ka soo horjeesatay hadal ka soo yeeray urur goboleedka IGAD

Caydiid Ali
Taboola Ads ---