Allbanaadir.com
NEWS

Musharax u taagnaa Xilka gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo tanaasulay

Hool kuyaala xerada Shiirkole ee magaalada dhuusomareeb waxaa goordhaw ka bilaabatay Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka maamul goboleedka Galmudug iyo labadiisa kuxigeen.

Kahor inta aysan Doorashada bilaaban Waxaa shaaciyay in doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ka tanaasulay Musharax Cabdulaahi Axmed Calasow oo kamid ahaa musharaxiintii isku soo taagay xilka gudoomiyaha Baaramaanka.

Musharaxan oo goordhaw ka hadlay hoolka ay ka dhaceyso Doorashada ayaa sheegay in uu isaga tanaasulay ka qeyb galka doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka arimo isaga u gaar ah.

Waxaa hada isugu soo haray doorashada  Gudoomiyaha baarlamaanka Galmudug labo musharax oo kala ah  Dr Maxamed Nuur Gacal iyo musharax Cabdinaasir Aadan Cusmaan kuwaa oo midkood doorashada kusoo bixi doono.

Doorasahada ayaa noqon doonta mid lagu kala baxo wareega koobaad waxaana guuleesan doona musharaxii cod badiya labada musharax, waxaana aad loo saadaalinayaa in Musharax Maxamed Nuur Gacal kusoo baxo doorashada.

Waxii Warar ah ee kuso kordha kala soco Wararkayaga dambe Insha Allah

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Mursal oo loogu hanjabay inuusan War ka maqlin Mucaaradka & Sababta keentay

admin

(Sawirro) Raisul Wasaare Rooble oo caawa booqday dhaawacyada Shaqaalihii Turkiga

Caydiid Ali

Xog cusub oo laga helay weerarkii Hotel Xayat & Sababtii dheereysay Howlgalka

Caydiid Ali
Taboola Ads ---