Wararkii Ugu Dambeeyay Dagaal culus oo ka dhacay Deegaanka Xaaji cali

Wararka ka imaanaya gobolka Shabeelaha Dhaxe ayaa sheegaya in xalay halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo u dhaxeeyay dagaalyahanada Al Shabaab iyo ciidanka milatariga Soomaaliya.

Sida aan wararka ku heleyno dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan Al Shabaab ayaa weerar culus ku qaaday xero ay ciidanka milatariga Soomaaliya ku lahaayeen deegaanka Xaaji Cali Waxaan halkaasi ka dhacay dagaal culus oo daqiiqado badan socday.

Sargaal katirsan ciidanka milatariga Soomaaliya ayaa sheegay in ay iska difaaceen weerarka Al Shabaab kusoo qaadeen deegaanka xaaji Cali, waxa uuna sargaalkan sheegay in dagaalkaasi ku jabiyeen kooxda Al Shabaab.

Waxa uu sheegay sargaalkan in dagaalyahano badan kaga dileen Al Shabaab weerarka, waxa uuna beeniyay in Al Shabaab la wareegeen saldhiga la weeraray  isagoona tilmaamay in ciidanka milatariga wali deegaanka maamulaan.

Dhinaca Al Shabaab ayaa dhankeeda guulo ka sheegatay dagaalka ka dhacay deegaanka Xaaji Cali, waxa ayna Al Shabaab sheegeen in xerada ciidanka qabsadeen ayna halkaasi ku dileen ciidamo katirsan milatariga.

Deegaanka xalay dagaalka ka dhacay ayaa lagu soo waramayaa in hada xaalkeeda uu degan yahay, waxaana halkaasi ku sugan ciidamada milatariga Soomaaliya sida dadka deegaanka sheegeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -