Akhriso Nuxurka Khudbadii Musharax Maxamed Nuur Gacal u jeediyay Baarlamaanka Galmudug (Daawo Sawirada)

Musharaxa ugu cad cad Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal ayaa maanta Khudbad uu kaga hadlayay taariikhdiisa iyo waxyaabaha ugu qorsheesan in uu qabto hadii uu guuleesto u jeediyay Baarlamaanka cusub ee Galmudug.

Dr Gacal oo ah Aqoonyahan khibrad siyaasadeed leh ayaa Baarlamaanka Galmudug u jeediyay Khudbad ay aad ula dhaceen, waxa ayna Xildhibaanada u balan qaadeen Musharaxa in codkooda ugu hiilin doonaan.

Doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen ayaa la filayaa in beri oo Jimco ah ka dhacdo magaalada Dhuusomareeb , waxaana isha lagu hayaa cida kusoo bixi doonta Gudoonka Baarlamaanka Galmudug oo tartan xiiso badan loo gali doono.

Halkan ka Akhriso Nuxurka Khudbadii uu Baarlamaanka u jeediyay Musharax Dr Maxamed Nuur Gacal

Mudane Guddoomiye,

Mudanayaal iyo Marwooyin, Saaxiibadayda Barlamaanka 2aad ee Dawladgoboleedka Galmudug

الحمد لله رب العالمين ثم الصلاة والسلام على أشرف المرسلين  أما بعد ..

“السلام عليكم ورحمة الله وبركاته”

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Waxaa sharaf iyo maamuus ii ah inaan si rasmi ah hortiinna uga dhawaaqo inaan u taaganahay xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Dowladgoboleedka Galmudug.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Iyadoo aan wada dareensannahay duruufaha kala duwan ee ay soo martay Galmudug, iyo culayska uu leeyahay xilka Guddoomiyaha Barlamaanka, iyo sidoo kale rajada ay dadka reer Galmudug ka filayaan guddoomiyaha,guddoomiye-ku-xigeennada, iyo dhammaan xildhibaannada Baarlamaanka Dowladgoboleedka Galmudug ee 2020-2024, ii oggolaada inaan idinla wadaago sababaha aan u go’aansaday inaan isu soo taago xilkaan sharafta leh.

Waxaan aaminsanahay, aadna la wada socotaan, inay mas’uuliyadda ugu weyn ee baarlamaanku tahay dejinta iyo dhowrista dastuurka, shuruucda iyo xeerarka dowlad goboleedka, la xisaabtanka maamulka, iyo horumarinta aqoonta iyo xirfadaha shaqo ee baarlamaanka. Sidaasoo kale dejinta dastuurka iyo shuruucda kale ka sokow, waxaa baarlamaanka saaran mas’uuliyadda u hawlgalka horumarka deegaanka uu matalo.

Si loo xaqiijiyo arrimahaas oo idil, waxaa lagama maarmaan ah inuu barlamaanku yeesho guddoomiye daacad u ah Galmudug lehna aqoon guud iyo mid diineed, khibrad iyo waayo’aragnimo raadraac sugan leh.

Haddaba, iyadoo la tixgelinayo aqoontayda sare, khibraddayda iyo kartidayda waxqabad ee hoos ku qoran, waxaan doonayaa inaan uga faa’iideeyo Barlamaanka Galmudug, haddii Alle igu guuleeyo hanashada xilkaan aan isu soo taagey.

1 Aqoon

Sida ka muuqata taariikh nololeedkayga idin horyaal, waxaan Alle mahaddiis, hasytaa darajada shahaadada PhD ee Sharciga iyo Qaanuunka,

Waxaa kaloo aan shahaado sare ku haystaa Maaraynta Musiibooyinka iyo Gargaarka (Disaster Management and Relief).

2  Khibrad waxqabad

Ilaa soddon sano ayaan ka shaqaynayey arrimaha dib-u-heshiisiinta, siyaasadda iyo diblomaasiyadda, horumarinta, waxbrashada, samafalka iyo gargaarka.

Waxaan soo noqday Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, anigoo sidoo kalana soo noqday wakiilka Soomaaliya ee Xafiiska Isku Dubaridka Gargaarka Bani’aadannimada ee Soomaaliya.

Waxaan ka soo shaqeeyey urrurrada bulshada rayidka ah, anigoo ka mid ahaa madaxda ugu sarraysa.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

Anigoo ka faa’iidasanaya fursaddaan, haddii aad codkiinna iyo kalsoonidiinna i siisaan, waxaan hortiinna ku ballanqaadayaa inaan idinku hoggaamin doono:

  1. Caddaaladda

Waxaan idiin ballan qaadayaa, haddii aad i doorataan, inaaan idinku hoggaamiyo caddaalad, sinnaan iyo hufnaan.

  1. Ilaalinta xasaanadda iyo xuquuqda xildhibaanka

Anigoo raacaya dastuurka iyo xeer hoosaadka barlamaanka, waxaan difaaci doonaa xasaanadda iyo xurmada xildhibaanka iyo xurriyadda ra’yiga iyo kala duwanaanta aragtida.

Waxaa kaloo aan ka shaqayn doonaa inay xildhibaannadu helaan xuquuqdooda maaliyadeed ee ku qeexan miisaaniyadda loo qoondeeyey barlamaanka. Sidaasoo kale waxaan awoodda saari doonaa  daryeelka xildhibaannada muddo xileedkoodu uu dhammaado, sida inay helaan gunno iyo wixii kaloo daryeel maaliyadeed ah.

  1. Hormarinta aqoonta xildhibaannada

Anigoo ka faa’iidaysanaya aqoontayda, waxaan barlamaanka ku hoggaamin doonaa dejinta siyaasadda iyo qorshaha tayaynta xirfadeed ee baarlamaanka, sida tababarro ay ku qaataan gudaha iyo dibedda.

Waxaan xoojin doonaa xiriirka hay’adaha iyo barlamaannada caalamiga ah ee naga taageeri kara tayaynta aqoonta iyo tababarrada xildhibaannada.

  1. Daryeelka caafimaad

Daryeelka caafimaadka xildhibaanku waxa uu ka mid yahay howlaha ugu mihiimsan ee aan u taagnaan doono, oo waxaan barlamaanka ku hoggaamin doonaa dejinta xeerar ka hadlaya dhowrista xuquuqaha asaasiga ah ee xildhibaanka.

  1. Madaxbannaanida barlamaanka:

Haddaad kalsoonidiinna i siisaan, waxaan idiin ballanqaadayaa inaan idinku hoggaamin doono dulqaad, qaddarin iyo la-tashi, iyadoo la raacayo dastuurka iyo xeerarka kale ee inoo yaalla. Waxaan ku go’aan qaadan doonaa talooyinkiinna, waxaanan ilaalin doonaa wadajirkiinna iyo isku-wadkiinna, iyadoo aan marwalba tixgelinaya kala duwanaanta afkaarta xorta ah.

  1. Dejinta qorshaha dhismaha xafiisyada iyo xarunta barlamaanka

Waxaan idinku hoggaamin doonaa dejinta qorsha-howleedka inoo yaalla ee afarta sano ee muddo xileedkeenna, si ay noogu caddaato howsha la iska rabo, waqtigeeda iyo cidda ka mas’uulka ah.

  1. Wada-shaqaynta barlamaanka iyo xokuumadda

Si loo gaaro degganaansho siyaasadeed, waxaan ka shaqayn doonaa kalsooni iyo isfaham ka dhexeeya xukuumadda iyo barlamaanka, iyadoo laga duulayo dowrka barlamaanka ee la xisaabtanka iyo kormeerka waxqabadka xukuumadda.

  1. Xoojinta xiriirrada barlamaannada dowladgoboleedyada

Waxaan xoojin doonaa xiriirka iyo wada-shaqaynta barlamaanka Galmudug iyo barlamaannada dowladgoboleedyada kale ee dalka, sida kala faa’iidaysiga aqooneed iyo khibradeed.

 Mudanayaal iyo Marwooyin,

Hal-ku-dhiggeygu waa: Caddaalad, Nabad, Horumar, iyo Iskuduubni.

Ugu dambayn, waxaan si xushmad iyo qaddarin leh idiinka codsanayaa inaad codkiinna iyo kalsoonidiinna i siisaan, si aan gacan uga geysto waxkaqabashada baahida maamul iyo horumarineed ee barlamaanka 2aad ee Galmudug.

Waxaan Alleheenna Qaadirka ah ka baryayaa inuu  na solansiiyo tubta toosan naguna guuleeyo sacyigeenna.

Waxaan idiin rajaynayaa GUUL iyo BARWAAQO.

Mahadsanidiin

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -