Imaaraadka oo baraha bulshada ka bilaabay dagaal ka dhan ah Madaxweyne Farmaajo (Daawo Sawirro)

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dagaal dhinaca baraha bulshada ah ku furtay Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ka dib markii ay dowladdiisu si cad uga hor timid xadgudubka ay Imaaraadka ka wado  Soomaaliya.

Barta Twitter-ka oo dagaalkan xoogiisu ka socdo ayaa waxaa bilaabay koox dhinaca internetka ah oo la sheegay in Imaaraadka uu kireysatay inay furaan baro lagu aflagaadeeyo Madaxweyne Farmaajo.

Haldhigyo ama Hashtag ay ka mid yihiin in la rido Madaxweyne Farmaajo ayaa la abuuray, waxaana lagu sheegay inuu Soomaaliya u yeelay weji xun oo macluul ah iyo inuu la safan yahay dalka Qatar iyadoo la adeegsanayo sawirro muujinaya Soomaali macluulsan oo in Madaxweynuhu dayacay lagu sifeynayo

Kooxda la soo kireystay ee dagaalkan bilowday ayaa adeegsanaya luqadaha ingiriiska iyo Carabiga, waxayna Farmaajo ku sifeeyeen qaarkood Daalim iyo ereyo kale oo ka sii fool xun.

Balse waxaa arrintaas si weyn uga hor yimid gaashaankana u daruuray Soomaalida ku nool gudaha iyo dibadda, kuwaasoo iyana baraha Bulshada ka bilaabay jawaabo falcelin ah oo looga soo horjeedo dagaalka qaawan ee ay Imaaraadka Carabta ku soo qaaday Madaxweyne Farmaajo.

Soomaalida ayaa jawaabo kulul siiyey kooxaha dacaayada wada iyagoo sheegaya in Farmaajo uu yahay Madaxweyne ay jecel yihiin oo wax badan u qabtay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, waxaana weli dagaalka labada dhinac uu si qaraar uga socdaa baraha bulshada gaar ahaan Twitterka.

      

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -