Allbanaadir.com
NEWSSOUTH WEST

Ciidamada Danab oo shaaciyey iney dileen Madaxii qaraxyada Al-Shabaab ee Sh/hoose

Taliska ciidamada Kumandoska Somalia ee Danab ayaa war ka soo saaray howlgal xalay ciidamadaas ay ka sameeyeen degmada Wanle weyn ee gobolka Sh/hoose

Dadka degaanka ayaa sheegay in howlgalkan lagu dilay oday dhaqameed ka mid ahaa nabadoonada degmadaas, iyagoo ka dibna meydkiisa  ay horey u qaateen ciidamadii dilay.

Balse War-saxaafadeed ka soo baxay ciidamada Danab ayey ku sheegeen in ninka ay dileen uu ahaa sarkaal sare oo ka tirsan Al-shabaab kaasoo ay muddo badan ku daba jireen.

“Ciidamadda Kumaandooska Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee DANAB ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen Degmada Wanla-weyn ee Gobolka Shabeelaha hoose waxay ku dileen Horjoogihii Maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab u qaabilsanaa Qaraxyada lagu laayay Shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan ee Gobolka Shabeelaha hoose kaasoo lagu magacaabi jiray Maxamed Xuseen Cismaan “Buluush” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada Danab.

Waxay intaas ku dareen in ciidamada howlgalka waday ay isku dayeen iney qabtaan ninkan balse ay toogteen markii uu la soo baxay qori, lana dagaalamay ciidamada.

“Horjoogahani ayaa wuxuu badalay  Maxamed Siidow oo 28-kii December   2019 lagu dilay Duqeyn ka dhacday Tuulada Caliyow , isagoo horay u laayay Shacab iyo Ciidan oo uu qaraxyo u maleegay” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay ciidamada Danab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Xubnaha kasoo goosanaya Al Shabaab oo sii kordhaya iyo Hafow Cabdulqaad oo…

Cabdi Cade

Guddi Qaban qaabiya Shir weyne looga tashanayo Mustaqbakka Puntland oo la magacaabay

Cabdi Cade

RW Xamse Barre oo qaabilay wafdi uu horkacayo Mr. Jochwn Flasbart (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---