Kenya oo damacsan qorshe yaab leh oo looga hortagayo weerarada Macalimiinta

Ururka Macalimiinta ee Kenya ayaa ku baaqay qorshe yaab leh oo sheegaya in la hubeeyo macalimiinta ka howlgalo degaannada ay ka dhaceen weerarada dalkaas isla markaasna macalimintaas la siiyo tabbabar militari iyo qoryo si ay ammaankooda u sugaan.

Saraakiil ka tirsan ururka macalimiinta dugsiyada hoose ee Kenya ayaa arrintani sheegay kaddib markii ay la kulmeen macalimiin kasoo cararay deegaanka Kamuudey ee ku yaal duleedka Gaarisa oo dhawaan uu ka dhacay weerar lagu dilay saddex macalin.

Xoghayaha guud ee ururkaas, Akelo Misori wuxuu sheegay in saraakiisha booliska ee loo daabulay degaannada dhaca bariga iyo gobolka xeebta ee Kenya aysan ku filneyn amnigooda sidaas darteed ay macalimiinta u baahan yihiin in la siiyo qoryo.

Wuxuu sidoo kale sheegay in weerarada inta badan ay dhaceen xilli habeen ah markaas oo booliska ka tageen agagaarka Iskuullada.

Guddiga shaqaaleysiiyo macalimiinta Kenya ayaa cambaareeyay weerarkii dhawaan ka dhacay duleedka Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya, waxay sheegeen in dowladda ay si dhaw ugala shaqeynayaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -