(Sawirro) Wafdigii Axmed Madoobe oo si diiran loogu soo dhoweeyey Boosaaso

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Boosaaso ee gobolka Bari.

Wafdigan ayaa waxaa garoonka Boosaaso ku soo dhoweeyey Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni iyo qeybaha bulshada magaalada Boosaaso.

Axmed Madoobe iyo wafdigiisa ayaa waxaa loo gelbiyey xarunta Madaxtooyada magaalada Boosaaso halkaasoo ay wadahadalo kula leeyihiin madaxda Puntland.

Safarka Axmed Madoobe ee Puntland ayaa ah kii u horeeyay tan iyo markii dib loo doortay sanadkii hore.

Inkastoo aan la sheegin illaa hadda ujeedada safarka Axmed Madoobe ayaa haddana warar soo baxaya waxay sheegayaan inuu kaga qeyb galayo magaalada Boosaaso shir wadatashi ah oo u dhaxeeya Puntland iyo Jubbaland, kaasoo looga hadli doono xaalada siyaasadeed ee dalka.

Labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ayaa ah xulafo si weyn uga soo horjeeda siyaasada iyo hab dhaqanka ay dalka ku hogaamineyso dowlada Somalia.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -