Ciidamada Danab oo hoygiisa ku dilay nabadoon caan ah, Meydkiisana horey u qaatay

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha waxaa xalay degmadaas lagu diley Nabadoon caan ahaa oo ka mid ahaa dadka ku nool degmadaas.

Nabadoonka la dilay oo lagu Magacaabi jirey Axmed Xuseen ayaa loogu tegay Gurigiisa oo ku yaalla Xaafada Xudurweyne ee degmada Walanweyn halkaasoo lagu diley.

Goob joogayaal ku sugan degmada ayaa sheegaya in dilka nabadoonka ay ka dambeeyeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka ee uu Mareykanka tababarey, kuwaasoo ka yimid dhinaca Balli-doogle, iyagoo horey u qaatay meydkiisa.

Dadka ku nool degmada Walanweyn ayaa aad uga naxey dilka Nabadoonka, waxaana wararku sheegayaan in qaar kamid ah Odayaasha degmada ay qorsheynayaan iney aadaan dhinaca Xerada Balli-doogle, iyagoo dalbanaya in la siiyo meydka nabadoonka.

Ciidamada Kumandoska ee Danab ayaan la ogeyn sababta ay dileen nabadoonka, ka dibna ay meydkiisa u qaateen, waxaana arintan saaka si weyn looga hadal hayaa degmada Wanle weyn.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -