Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Khilaaf culus oo ka dhex curtay Qoorqoor & ku xigeenkiisa (Wasiir sabab u noqday)

Khilaaf cusub ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo ku-xigeenkiisa Cali Daahir Ciid.

khilaafka ayaa yimid ka dib markii Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Dahir Ciid uu soo saaray qoraal shaqadii looga joojiyay Wasiirka Arimaha Gudaha Galmudug, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel)

Sida ku xusan qoraalka Waayeel ayaa lagu eedeeyey inuu Xagal daaciyay Dagaalka ka dhanka ah Al Shabaab

Hase ahaatee qoraal kale wax yar ka dib ka soo baxay Madaxweynaha Axmed Cabdi Kaariye ayaa lagu buriyay waraaqda kasoo baxday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ee shaqada looga joojiyay Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Dowladda Galmudug mudane, Cabdi Maxamed Jaamac (Waayeel).

“Tallaabadan ayaa gabi ahaanba kasoo horjeeda Dastuurka Galmudug, lidna ku ah awoodaha Dastuurku siinayo madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtoyada Galmudug.

Dhinaca kale, Qoraalka Qoorqoor ayaa lagu sheegay in in maamulka degmada Cabudwaaq aysan waxba iska badalin  sida uu qabo sharciga dowladaha hoose ee Dowladda Galmudug

“Madaxweynaha ayaa faraya  hay’adaha amniga iyo garsoorka inay waajibkooda ka gutaan cid kasta oo wax u dhibta amniga iyo xasiloonida degmada Cabudwaaq” ayaa lagu yiri qoraalka uu soo saaray Qoorqoor.

HOOS KA AKHRISO QORAALADA ISBURINAYA EE LABADA MASUUL

Related posts

Dowladaha Somalia iyo Eritrea oo Heshiisyo kala Saxiixday (Akhriso)

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Xuutiyiinta oo soo bandhigtay khasaarihii ay gaarsiiyeen ciidanka Sacuudiga

Cabdi Cade

Qaramada Midoobay oo taageero u ballan-qaaday Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Cabdi Cade
Taboola Ads ---