Ethiopian Airlines oo duulimaad ka bilaabeysa Magaalo 4-aad oo Somalia ka tirsan

Puntland ayaa shaacisay in shirkadda diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ay duulimaad caalami ah ka bilaabeyso magaaladda Bosaso ee xarunta gobolka Bari.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Garoomada iyo duulista hawada ee Puntland Cismaan Cali Yuusuf (Xoosh) ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebooga ku sheegay in diyaaradaha Ethiopian Arilines ay 3 jeer toddobaadkii ka dagi doonto garoonka Bosaaso.

“Duulimaadka koowaad waxa uu bilaaban doona 03-02-2020, waxa ayna diyaaradu asbuuc kasta ka dagaysa 3 maalmood insha Allah, haddii ay suuq heshana sida Garowe bay duulimaad maalinle ah bilaabi doonta” ayuu yiri Agaasimuhu

Wuxuu intaas ku daray in duulimaadyada shirkadda Ethiopian Airlines ee Bosaaso ay ku xirnaan doonto hadba sida uu noqdo dalabaadka.

Boosaaso ayaa noqoneysa magaaladii 4aad ee ka tirsan Somalia oo shirkadda Ethiopian Airlines ka bilowdo duulimaad caalami ah, waxayna shirkadan horey duulimaadyo uga bilowday magaalooyinka Muqdisho , Hargeysa iyo Garoowe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -