Allbanaadir.com
NEWS

Wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyadda oo la ansixiyay

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu guddoominayey Ra’iisul Wasaaraha XJFS Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax ka beddelka iyo kaabidda Hindise Sharciyeedka Hey’adda Maaliyadda

Shirka golaha Wasiiradda Xukuumadda Soomaaliya ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay waxqabadka daadajinta iyo furfuridda astateynta awoodaha heerarka dowladda Soomaaliya.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga dalka, waxa ay ka dhageysteen Wasaaradaha Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga oo soo bandhigay guulihii amniga ee la gaaray iyo falalkii argagixiso ee la fashiliyey.

Shirka golaha Wasiiradda Soomaaliya maanta yeesheen ayaa kusoo aadaya xilli ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka gacantooda ka baxday deegaanno horey Al Shabaab uga saareen, sidoo kale hakadeen howlgaladii socday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Cumar Finish oo Xilka ka qaaday Afar Gudoomiye Degmo (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Ahmed Tinubu oo loo doortay Madaxweynaha Nageria ballanqaadyo cajiib ahna sameeyay

Cabdi Cade

Saraakiil iyo Askar katirsan NISA oo lagu dilay weerar gaadmo ah ay fuliyeen Al Shabaab

Cabdi Cade
Taboola Ads ---