Xiisad ka taagan magaalada Khartoum, ciidamo gadooday iyo rasaas la maqlayo

Xiisad ayaa ka taagan magaalada Khartuum ee dalka Sudan ka dib markii ay gadoodeen ciidamo ka tirsanaa qeybtii howlgallada ee Sirdoonka ee dalkaas.

Ciidamada gadooday ayaa la sheegay iney ka caroodeen go’aan shaqada looga fariisiyey oo ka soo baxay dowlada, waxaana hakad galay Duullimaadyadii garooonka diyaaradaha Khartoum.

Rasaas xoog leh ayaa laga maqlayaa dhisme ay degganaayeen ciidanka gadooday oo ku yaalla magaalada Khartuum sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya.

Ciidammo badan oo ka tirsan kuwa daacada u ah dowlada ayaa isku gadaamay dhismaha raggani ku jiraan, iyadoo Wasiirka Warfaafinta Sudan, uu arrinta ku tilmaamay gadood sharci daro ah oo aan la aqbali Karin.

Ra’iisulwasaaraha Sudan Maxamed Xamduuk, ayaa sheegay in xaaladdu ay gacanta dowladda ku jirto, waxaana uu muwaadiniinta ugu baaqay in ay is dejiyaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Siyaaddada Sudan Gen. Maxamed Xamdaan Xamiti, ayaa ku eedeeyay taliyihii hore ee Sirdoonka Sudan Gen. Salaax Goosh inuu isagu ka dambeeyo waxa socda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -