Nin Magangelyo-doon ah oo dalkiisa kasoo baxsaday oo dabaashay masaafo 20 KM !!

Muwaadin Raashiyaan ah ayaa dabaashay masaafo dhan 20 KM oo u dhiganta 12 mile, si uu Dowladda Japan uga codsado magangelyo Qaxootinimo.
 
Ninkaasi ayey Ilaaladda Xeebaha Japan ku arkeen isagoo dhar qoyan xiran Jesiiradda Hokkaido ee Waqooyiga dalka Japan.
 
Saraakiisha iyo Warbaahinta Maxaliga ayaa sheegay in Ninkaasi laga helay Degmadda Shibetsu, isagoo ka soo gudbay Jesiiradda Kuhashiri oo ka mid ah afarta Jesiiradood ee ay Raashiya iyo Japan isku haystaan milkiyadeeda.
 
Warbaahinta Japan waxay sheegeen in Ninka magangelyo-doonka uu 20 KM u soo dabaashay Hokkaido, si uu u helo magangelyo Qaxootinimo.
 
Xafiiska Socdaalka ee Degmadda Sapparo ee dalka Japan waxay shalay sheegeen inay Saraakiisha wareysi la leeyihiin Ninka Raashiyaanka ee magangelyo-doonka ah.
 
Saraakiisha wey ka gaabsadeen inay Faahfaahin ka bixiyaan Aqoonsiga Ninkaasi iyo qaabka uu ku yimid Jesiiradda Hokkaido.
 
Qoraal ay Safaaradda Raashiya ku leedahay dalka Japan soo dhigtay Bartooda Facebook ayey ku sheegeen inay Maamulayaasha Japan magaca Ninkaasi ku soo koobeen V.-F.V. Nokarde.
 
Dowladda Japan weli kama hadlin inay qaabileen Ninka Raashiyaanka ee soo Magan galay, halka Boliska dalkaasi weli kala caddaynin in Niinkaasi loo oggolaaday si KMG ugu sii noolaado Jesiiradda Hokkaido, ama iloo aqoonsado Qaxooti ama in dib loogu celinayo dalkiisa hooyo ee Raashiya.
W/Q Ustaad Nuuradiin

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -