Allbanaadir.com
GALMUDUGNEWS

Wasiir ka tirsan Xukuumada Somalia oo iscasilay & sababta ka dambeysa

Wasiiru-dowlihii Wasaaradda Howlaha Guud ee Xukuumada Soomaaya Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa goor dhow ku dhawaaqay inuu xilka iska Casilay.

Qoor-Qoor oo shir jaraaid ku qabtay Dhuusamareeb ayaa sheegay inuu yahay Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxwaynaha Galmudug sidaas awgeedna uu isku casilay.

Musharaxan ayaa ka mid ah shaqsiyaad la sheegay iney dowladda dhexe gadaal ka riixeyso si ugu soo baxaan xilalka ugu sareeya maamulka Galmudug, waxaana si weyn loo soo saadaalinayaa inuu ku soo bixi doono xilka Madaxweynaha Galmudug.

Magaalada Dhuusamareeb ayaa la ciirciireysa Musharaxiin xildhibaano iyo siyaasiyiin kala duwan, iyadoo la filayo in halkaas ay ka dhacaan dhowaan doorashooyinka madaxda saree e Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

Ciidamo Mareykan ah oo lagu la’yahay badda Soomaaliya iyo baadigoob xooggan oo socda

Cabdi Cade

(Sawirro) Haween markii ugu horeysay ka mid noqday ilaalada Masjidka Xaramka

Caydiid Ali

Al Shabaab oo war kasoo saartay dil loo geestay Cabdullaahi Cali Cumar

Cabdi Cade
Taboola Ads ---