Nin 40 sano la weysanaa oo ugu dambeyn laga helay baraha bulshada (Daawo Sawirro)

Nin u dhashay dalka Hindiya oo la weysanaa muddo 40 sano ah ayaa qoyskiisa la midoobay kaddib markii uu walaalkiis ka aqoonsaday muuqaal lagu baahiyey baraha bulshada.

Khomdram Gambhir Singh ayaa la waayey isagoo 26 sano jir ah 1978kii, waxaa uu ku sugnaa gobolka Manipur Qoyskiisa ayaa muddo toboneeyo sano ah baadigoob ugu jiray.

Waxa ay ka daawadeen muuqaal laga duubay isagoo jidadka Mumbai ku qaadaya heeso hindi ah halkaasoo 3,300-km u jirta gobolka ay ku nool yihiin qoyskiisa.

Booliska ayaa billaabay badigoobkiisa ,waxaana dib loogu soo celiyey gobolka Manipur maalintii Khamiista ahayd.

“Ma aanan rumeysanin markii mid ka mid ah ilmaha aan adeerka u ahay uu muqaalkan i tusay.Waan ka rajo beelnay inaan arki doonno asagoo nool.”ayuu yiri walaalka Mr. Singh oo lagu magacaabo Kulachandra.

Booliska Manipur ayaa Mr. Singh ka dhex raadiyey magaalada Mumbai oo uu ku noolaa muddo 30 sano ah.

Qoyska ninkaan ayaa aaminnay in laga yaabo inuu ku noolyahay Mumbai maxaa yeelay Muuqaalka ayaa waxaa duubay Firoz Shakri oo ka soo jeeda Mumbai.

Waxaa laga yaaba inuu lacag qaabkan ku raadsanaayo, wuxuuna ku heesaa kana tuugsadaa jidadka caasimadda”ayuu Shakir yiri.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -