Musharax raali gelin buuxda ka bixiyey hadal ay ka caroodeen Soomaalida Kenya

Murashaxa xilka Gudoomiyaha Magaalada Nairobi iyo duqa magaalada caasimadda ah ugu tartamaya xisbiga talada haya ee Jubilee, Polycarp Igathe Kamau, ayaa raalligelin ka bixiyey hadallo ka careysiiyay shacabka Nairobi qaarkood

Igathe oo lagu eedeeyay in uu si gaar ah u beegsaday bulsho cayiman, ayaa sheegay in hadalladiisa ay ka duwan yihiin sida loo fahmay ee ah inuu shakhsiyaad farta ku fiiqayay.

Raalligelinta Polycarp Igathe Kamau ayaa daba socotay muuqaal si wayn u faafay oo laga duubay hadallo uu jeediyay isbuucii lasoo dhaafay.

Muuqaalkaas ayuu ku sheegay in golaha deegaanka ee Nairobi oo xubnihiisa ay u badan yihiin qowmiyadda Kikuyu ay gacanta ku hayaan saddex xildhibaan oo Soomaali ah, kuwaasoo dhammaan xubnaha kale ay la haystayaal u yihiin.

Hase yeeshee ma uusan sheegin magacyada saddexda ruux ee Soomaalida ah ee uu tilmaamayay inay Aqalka Wakiillada ee Nairobi maamulkiisa awood ku haystaan.

Siyaasigan oo sharraxayay waxa uu horay u yiri ayaa sheegay inuu ka hadlayay oo kaliya sida loogu kala horreeyo fursadaha shaqada, dhaqaalaha iyo faa’iidooyinka Nairobi.

Xildhibaanka Garissa, Aadan Ducaale ayaa ka mid ah siyaasiyiinta caanka ah ee ka fal celiyay hadalka Igathe oo uu ku qeexay mid hayb soocaya Soomaalida.

 

- Advertisement -