Wasiir Bayle oo faahfaahin ka bixiyey shirka taakulaynta & cafinta deymaha Soomaaliya (Daawo Sawirro)

Wasiirka Maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ee ka socda Washington DC ayaa rajo ka muujiyay inay natiijo wanaagsan ka soo baxdo kulanka.

Wasiir Beyle oo kulammo gaar gaar ah la yeeshay madaxda Bankiga Adduunka, hay’adda IMF iyo masuuliyiintii kale ee shirka kasoo qayb gashay ayaa sheegay inay ku qanceen habka ay Soomaaliya u maareeyso dhaqaalaha kooban ee soo gala dalka.

“Shirka aan la qaadannay Bankiga Adduunka iyo IMF waxay aad ugu qanceen qaabka maamulka Maaliyadda., waxayna noo ballan qadeen inay naga caawin doonaan arrimaha cafinta Deynta” ayuu yiri Wasiir Beyle.

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa intaa raaciyay inay Dowladda Soomaaliya ka go’an tahay inay ku shaqayso hufnaan iyo aragti fog, wuxuuna ballan qaaday inay Wasaaradda Maaliyaddu laba laabi doonto dedaalladeeda ku aaddan kobcinta dhaqaalaha dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -