Shir Baydhabo uga furmaya labo maamul goboleed iyo qodobada looga hadlayo

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ayaa waxaa lagu wadaa inuu ka furmo maanta shir u dhaxeeya Madax ka socota Maamulada Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Shirkan oo labo cisho socon doona ayaa qabsoomidiisa waxay labada Maamul go’aamiyeen dhowaan markii Madaxweynaha Hirshabelle uu tegay Baydhabo, isagoo halkaasi uga qeyb galay munaasadii loogu dabaal degayay sanad-guuradii koowaad ee markii la doortey Madaxweyne laftagareen.

Waxaa shirkan ka qeyb-gelaya Madaxda sare ee labada Maamul iyo mas’uuliyiin kale waxaana soo qaban qaabiyey Wasaaradda Qorsheynta Koonfur Galbeed & Midowga Yurub.

Wasiirka Qorsheynta Koonfur Galbeed Axmed Madoobe Nuunow ayaa sheegay in shirka diirada lagu saari doono horumarinta Maamulada Hir-Shabeelle & Koonfur Galbeed, ayna kaalin weyn ka qaadan doonaan Safiiro ka socda wadamada  Yurub.

Waxaa uu sheegay in sidoo kale inay shirka looga hadli doono sidii labada Maamul ay isaga kaashan lahaayeen mashruuc uu bixinayo Midowga Yurub, kaasoo ku saabsan kobcinta, dhaqaalaha iyo horumarinta labada Maamul.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -