Boqortooyada Sacuudiga oo u riyaaqday talaabo ay qaaday dowlada Maraykanka

Sacuudiga ayaa soo dhoweyay go’aan ay dowladda Mareykanka urur argagixiso ugu aqoonsatay kooxda Xuuthiyiinta ee dagaalka kula jirta dowladda Sacuudiga taageero ee dalka Yemen.

“Wasaaradda arrimaha dibedda waxay soo dhoweyneysaa go’aanka uu maamulka Mareykanka ugu calameeyey maleeshiyada Xuutiyiinta urur argagixiso,” waxaa sidaas lagu yiri qoraal ay baahisay wakaaladda wararka rasmiga ah ee Saudi Press Agency.

“Tani waxay waafaqsan tahay baaqyada dowladda sharciga ah ee Yemen ee ah in lasoo geba-gebeeyo dhaq-dhaqaaqyada maleeshiyada ay tagaeerto Iran.”

Dhinaca kale taliyaha siyaasada Xuutiyiinta Mohamed Ali al-Huthi ayaa cambaareeyey go’aanka dowladda Mareykanka, wuxuuna sheegay inay xaq u leeyihiin inay ka jawaabaan.

“Shacabka Yemen kalama jecel go’aan kasta oo uu maamulka Trump wax ku calaameeyey, ayada oo saaxiibadooda ay dilayaan shacabka Yemen, ayna cunaha qabteen,” ayuu yiri Mohamed Ali al-Huthi.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -