Allbanaadir.com
NEWSPUNTLAND

Wado Laami ah oo isku xirta jidka 30-ka iyo Laamiga Garawe oo xariga laga jaray (Sawirro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta xarigga ka jaray Wadada NECSOM oo isku xirta Jidka 30-ka iyo Laamiga weyn ee Garoowe ku xira magaalooyinka kale ee Puntland.
 
Wadadan cusub ee laamiga ah ayaa kharashka ku baxay waxaa dhammaantiis bixisay maamulka Puntland, waxayna ka mid aheyd 4 Waddo oo Madaxweyne Deni dhaggax dhigay 7-dii bishii June 2021.
Madaxweyne Deni oo ka hadlay xarig jarka wadadan ayaa sheegay in maamulkiisa xooga saarayo dhismaha wadooyinka si sare loogu qaado bilicda caasimada Garawe iyo magaalooyinka kale ee Puntland.
Maamulka Puntland ayaa dhisay wadooyin badan oo laami ah oo laga hirgaliyay magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi, waxaana inta badan dhaqaalaha ku baxay dhismaha wadooyinkaasi bixiyya Hay’addo halka maamulkana qaarkood dhiibeen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

(Akhriso) Dowlada Somalia oo oo soo saartay qorshaha cusub iyo Habraaca Doorashada Jubbaland

Caydiid Ali

Xoolaley iyo beeralay dagaalamay oo iska laayey ku dhowaad 80 qof (Sawirro)

Caydiid Ali

Shanta magaallo ee ugu nolosha fiican Caalamka oo la shaaciyay (Yaa Hoggaaminaya)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---