Magacyada Saraakiil ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duqeymo xalay ka dhacay..

Dayuurado dagaal oo malaynayo iney leeyihiin ciidamada Maraykanka ee jooga Somalia ayaa duqeymo culus xalay ka fuliyay degmooyin ka tirsan gobolada Jubada Dhexe iyo Jubada Hoose.

Goob joogayaal ku sugan  Jubbooyinka ayaa sheegay, in xalay ay arkeen dayuurado dagaal oo aad u iftiimaya, islamarkaana magaalooyinka qaar leerar waaweyn ku ifiyay kadibna la maqlay duqeyn culus iyo rasaas la isweydaarsanayo.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga ayaa sheegay in xalay iyaga iyo saaxiibo caalami ah ay duqeyn ka fuliyeen goobo muhiim ah oo ka tirsan Jubbooyinka, islamarkaana ay khasaaro culus gaarsiiyeen Al-Shabaab.

Degmooyinka Jamaame, Salagle, Jilib iyo degaanka Xaramka ayaa la sheegay iney yihiin goobaha duqeymaha culus ay ka dhaceen xalay waxaana la sheegay in halkaasi lagu dilay dagaalamayaal iyo saraakiil ka tirsan Al-Shabaab

Saraakiil ka tirsan Militariga Soomaaliya ayaa sheegay in duqeymahaas lagu dilay saraakiil lagu kala magacaabo Macalin Arbow iyo Sarkaal magaciisa lagu soo koobay Axmed, hase ahaatee ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -