Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo Jawaab cad siiyay Madaxweyne Donald Trump

Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Axmed ayaa jawaab ka bixiyay hadal dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump oo sheegay in Abiy uu kaga mudnaa biladda abaalmarinta nabadda ee Nobel.

Abiy Axmed oo Wariyaasha kula hadlay magaalada Pretoria ee caasimada dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in uusan waxba ka ogeyn qaabka ay u xushaan shaqsiyaadka guddiga bixiya abaal marinta Nobel ee sanadkiiba mar la bixiyo.

Waxa uu sheegay Ra’isul Wasaare Abiy hadii Madaxweyne Trump dacwad ka qabo abaal marinta isaga la siiyay in uu dacwad u gudin karo guddiga Nobel ee uu fadhigiisu yahay caasimadda Norway ee Oslo.

Ra’isul Wasaaraha Itoobiya ayaa sheegay in ujeedkiisa iyo shaqada uu hayo in aysan aheyn mid uu ku doonayo abaal marin balse uu doonayo ka shaqeynta nabad galyada iyo hurumarka gobolka.

” Aniga uma shaqeeyo in aan abaalmarin helo, waxaan ka shaqeeyaa nabadda, waana arrin xasaasi ka ah gobolkeena” ayuu Wariyaasha u sheegay Ra’isul Wasaare Abiy Axmed oo ku sugan Koonfur Afrika.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dhawaan fagaare ka sheegay in shaqada uu Abiy Axmed ku qaatay abaal marinta uu isagu qeyb weyn ku lahaa, waxa uuna ku dooday in isagu ka mudnaa in abaal marintasai la siiyo.

 

- Advertisement -