Madaxweyne Farmaajo oo goordhaw safar deg deg ah uga baxay Muqdisho

Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi la socda ayaa goor dhaw ka ambabaxy magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Cummaan.

Sida aan wararka ku helnay Madaxweyne Farmaajo ayaa dalka Cumaan u aaday si uu uga qayb-galo tacsida qaran ee loo sameenayo Suldaankii Wadankaasi Suldaan Qaboos Bin Saciid oo habeenkii jimcada geeriyooday.

Tacsida Qaran ee loo sameenayo Suldaan Qaboos Bin Saciid waxaa sidoo kale ka qeyb galeysa Madax kala duwan oo u badan kuwa Carbeed kuwaa oo xiriir dhaw la lahaa Saldanada Cumaan.

Safarka Madaxweyne Farmaajo dalka uga dhoofay ayaana ahaa mid deg deg ah, waxa uuna Madaxweynaha dhawaan kasoo laabtay Safar shaqo uu ku tagay magaalada Asmara ee caasimada Dalka Eritrea.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -