Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Soomaaliya oo dalabyo muhiim ah hordhigtay IMF & Bankiga Adduunka

Wasiiro ka tirsan Xukuumada Soomaaliya ayaa ka qeyb galay shir caalami ah oo ka dhacay xarunta Bankiga Aduunka ee dalka Mareykanka, iyagoo dalabyo muhiim ah hordhigay heyadaha ka qeyb galay shirkaas.

Waxaa soo qaban qaabiyay shirkan dalalka deeq bixiyeyaasha sida Mareykanka, Britain, Norway, Midowga Yurub, Q.M iyo hay`adda lacagta Aduunka ee IMF.

Deeq bixiyeyaasha ayaa sheegay in shirkan uu yahay mid lagu gorfeynayo xaaladaha dhabta ah ee ka jirta dalalka saboolka ah.

Soomaaliya ayaa waxaa shirkan uga qeyb galay Wasiirka Maaliyada Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, Wasiirka Waxbarashada Cabdiraxmaan Daahir Cusmaan, iyo Wasiirka Kalluumeysiga Cabdiraxmaan Cabdulaahi Xaashi.

Wasiirada ayaa xubnihii shirkaas ka soo qeyb gashay ka dalbaday in Soomaaliya laga cafiyo lacagaha deynta ah ee lagu leeyahay oo gaaraya 5.5 Bilyan oo dollar.

Wasiirada ayaa sidoo kale dalbaday in Somalia la gaarsiiyo gargaar bani`adamnimo, si wax looga qabto dadka ku dhibaateysan gudaha dalka ee aan heli Karin waxay cunaan.

Heyadaha iyo dalalka deeqda bixiya ayaa dhankooda amaanay horumarka dhinaca maamulka Maaliyada ee ay ku talaabsatay dowlada Somalia mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay, iyagoo balan-qaaday iney ku dedaali doonaan sidii loo cafin lahaa deymaha Somalia lagu leeyahay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DFS oo ka digtay Faafinta been abuurka iyo dacaayadaha Al Shabaab

Cabdi Cade

Faah faahino kasoo baxaya dil goordhaw ka dhacay Suuqa Bakaaraha

Cabdi Cade

Somalia & Bankiga adduunka oo kala saxiixday heshiis ku kacaya $445 Million oo dollar (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---